Bulsha:- Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay duubista filimka Half Girlfriend oo ay hogaamiye ka yihiin Arjun Kapoor iyo Shraddha Kapoor.
Filimka Half Girlfriend waxaa Director ka ah filim sameeyaha laga dambeeyo Mohit Suri oo horey u sameeyay filimada ganacsiga weyn sameeyeen Aashique 2 iyo Ek Villain.
Shraddha Kapoor ayaa barta Twiter-ka soo dhigtay qoraalkan “Waa xiligii aan dhameestirnay filimka Half Girlfriend, waxay ahayd dhacdo xiiso badan madaama 80-maalmood, 6-gobol iyo sedex dal aan filimkaan ku duubnay”
Half Girlfriend waa sheeko laga soo min guuriyay buuga isla magacaan wato ee uu qoray qoraaga caanka ah Chetan Bhagat waxaana la daawan doonaa filimkaan xiisaha badan 19-ka May 2017.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment