Bulsha:- Haddii lebis tayo leh uu sarre u qaadi karo qaab ciyaareedka iyo tayada ciyaartoyda isboortiga, dabcan tiknoolajiyaddu waa inay sidoo kale u shaqeysaa xayawaannada.
Shirkadda Al Shibla ee fadhigeedu yahay dalka United Arab Emirates oo soo saarta agabyada loogu talogalay Geela iyo Fardaha ayaana waxay go’aansatay inay noqoto shirkaddii ugu horreysay meerahaan ee lebis u gaar ah u sameysay Geela.
Milkiileyaasha shirkaddaan laga leeyahay Middle East ayaana dhawaan soo bandhigay lebiskaan ay u sameeyeen una gaarka ah Geela. Shirkadda of Al Shibla ayaana aaminsan inuu Geelu u qalmo in loo sameeyo lebis u gaar ah sida xayawaannada isboortiga loo isticmaalo oo kale.
Anne Wolter oo ah ninkii aasaasay shirkaddaan ayaa daaha ka qaaday inay go’aansadeen inay qaadaan tallaabadaan ka dib markii ay arkeen lebiska gaarka ah ee loo sameeyey Fardaha.
HALKAAN HOOSE AYAAD KA DAAWAN KARTAA SAWIRRADA GEELAAS OO LOO XIRAY LEBISKAAN LOO SAMEEYEY.



_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment