Kumanaan Dollars Ayey Xaday Iyadoo Isticmaaleysa Muuqaalkeeda Qurxoon, Iska Ilaali Nuuceeda Oo Kale!

Bulsha:- Gabar tuugo ah ayaa la qabtay waxaana lagu eedeeyey inay isticmaashay muuqaalkeeda qurxoon si ay ugu suurtogasho inay qaab xatooyo ah ku qaadato malaayiin dollars.

Gabadhaani waxay caadeysatay inay shukaansato ragga iskabulada ah iyadoo isticmaaleysa shabakadaha la isku shukaansado, ka dibna kulan ayey la qaadaneysaa raggaas laakiin ujeedkeedu wuxuu yahay inay ka xaddo kumanaan dollars.

Boliiska ayaana kusoo eedeeyey Maria Christina Johnson inay isticmaashay muuqaalkeeda qurxoon si ay wax kasta ugu suurtogalaan isla markaana ay gudaha ugu gasho guryaha dadka ka hor inta aysan ka xadin lacag, agab qaali ah iyo kaararka aqoonsiga,

Boliiska ayaana ogaaday inay gabadhaani qiimo lacageed farabadan ka sameysay shaqadaan foosha xun, inkastoo xaqiiqadu ay tahay inay ku jirtay diiwaanka booliska iyadoo ku qorneyd shaqada ah inay tahay gabar tababar siisa eeyaha la iibsado.

Majaladda New York Daily News ayaa daaha ka qaaday in ugu dambeyn xabsiga la dhigay gabadhaan ka dib markii Khamiistii lagu qabtay hotel weyn oo ku yaalla California dalka Mareykanka.

Muddo dheer ayey boliisku baacsanayeen gabadhaan u dhalatay Mareykanka laakiin markasta waxaa gaabneyd suurtogalnimada lagu heli karay maadaama ay guryaha ku kireysan jirtay magacyada dadka ay soo dhacday. Qiimaha lacageed ee ay xaday ayaana gaaraya 250 kun oo dollars.
Boliiska ayaa daaha ka qaaday in shaqsi kasta oo doonaya inuu damiinto gabadhaan uu ku qasban yahay inuu miiska saaro qiimo lacageed dhan 2 milyan oo dollars.

Johnson waxay sidoo kale isticmaashay magacyo badan markii ay xadeysay lacagahaan sida Maria Hendricks, Gia Hendricks, Maria Christina Gia iyo Maria Hainka. Inta badan lacagahaan waxay kala baxday Credit Cards laakiin macluumaadka waxay kasoo heshay shaqsiyaad daacadnimo u muujiyey ka dib markii ay ku indhosarcaadisay muuqaalkeeda qurxoon.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment