Bulsha:- Markii uu aqoon yahanku ka gudbay imtixaankii hore ayaa loo sheegay inuu geli doono waraysi (Interview) si go’aankii ugu danbeeyay looga gaadho inuu ku guulaysto jagada maamulaha ee shirkadda ka banaanayd.Image result for sawiro hooyo
Wuxuu ahaa aqoonyahan aad u dhisan, gudoomiyaha shirkaddu markii uu arkay natiijada imtixaanka uu keenay iyo Cv-ga iyo natiijooyinka imtixaanadiisa ilaa heer jaamacaeed, ee uu soo gudbiyay aad ayuu ula yaabay heerka aqoontiisa. Markii uu la kulmay wuxu weydiiyay su’aalahan:
Miyay jirtaa deeqo waxbarasho oo aad wax ku baratay? , wuxu ku jawaabay Maya. Marka kale wuxtu weydiiyay Ma aabaha ayaa kaa bixin jirin kharashka waxbarasho. Waxa uu ku jawaabay aabahay wuxu dhintay anagoo hal sano jiray. Hooyaday ayaa bixin jirtay. Gudoomiyaha: Hooyadaa maxay qaybataa ? Aqoonyahanka: Hooyaday dharka ayay dadka u maydhaa. Gudoomiyha: Adigu Miyaad la maydhaa? Aqoonyahan: Maya, ma ogola waxay igu tidhaa adigu casharadaada akhriso.
Gudoomiyaha: Caawa iyada gacmaheeda u maydh ka dibna subaxa beri ah ii kaalay. Aqoonyahankii ayaa habeenkii hooyadii u maydha gacamaheeda waxase uu ogaaday in gacmaheedu ay noqdeen kuwo adkaaday oo dhib weyni ka muuqato. Habeenkii ayuu ka maydh dharkii intii hadhsanayd isagoo ogaaday dhibtaada hooyadii haysatay.
Subixii ayuu u galay guddomiyaha isagoo weli dareemaya hooyadii. arinkii ayuu u sheegay iyo sida uu isu bedelay markii uu ogaaday gacmaheeda isbedelka ku dhacay. Gudoomiyah ayaa ku yidhi : Haddana waanu ku qaadanay shaqadii Maamulaha adigoo dareemaya inaad ku heshay dadaalkii hooyadaa ku gelisay.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment