Bulsha:- Majaladda VIP ee Dalka Portugal ayaa shaaca ka qaaday in laacibka kooxda Real Madrid Crstiano Ronaldo inuu maray qalliin is qurxin ah, sida ayna sheegtay majaladda waxaa qaliinkaas kuu muujinayo markaad aragto sawiradiisa hore iyo kuwa hadda.
Sida ay sheegeen dadka aadka ugu xiran baraha bulshada ee xidigaan waxaa laga dareemayaa isbadal weyn oo ku dhacay jirkiisa waxaana dood weyn laga keenay sawir uu dhawaan soo dhigay bartiisa Instragram-ka Xilli qaar kamid ah sawiradaas ay aad la yaab u lahaayeen taasoo laga dheehan karay inuu xidigaan dhawaan maray qalliin is qurxin ah. Qaliinka Ronaldo uu maray ayaa lagu sheegay mid wajiga ah
Waxaa xusid mudan in xidigaan uu horey u maray qaliin badan, waxaana sawir laga soo qabtay sanadkii 2012 isagoo joogo isbitaalka la isku quruxiyo ee Carmen Navarro kaasoo ku yaal Magaalada Madrid waxaana la socday xiligaas waalidkiisa.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment