Bulsha:- Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad (First Look) ee filimka Jagga Jasoos oo ay hogaamiye ka yihiin lamaanihii hore Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif.
Ranbir iyo Katrina waji cusub ayay la imaadeen sida kaartada ka muuqato laakiin hadal heynta filimkaan waxa axaday Goronyada ay saaran yihiin labadaan xidig!
Director Anurag Basu filimkiisa wax aan la fahmi karin fariintiisa ayuu u eekeysiiyay inkastoo Ranbir ku matalaayo sirdoon ama jaasuus dhalin yar.
Filimka Jagga Jasoos waxaa la daawan doona 07 April 2017 wuxuuna ka mid yahay filimada ugu hadal heynta badan sanadka dambe la daawan doono.
Shirkada UTV Motion Pictures oo filimka Jagga Jasoos wax ka maal galineyso ayaa aragtida kowaad barta Twitter-ka soo dhigtay, waxaana lagu wadaa in maalinta berito ah (20-ka December) si rasmi ah goos gooska filimkaan xiisaha badan loo soo bandhigo.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment