Josh Duggar Oo Faraxumeeyey Gabdhaha La Dhashay, Burcad Dhacday Kim Kardashian & Fadeexooyinkii Ugu Xumaa Ee Hareeyey Shaqsiyaadka Caanka Ah 2016

Bulsha:- Sannadkaan 2016 waxaa adduunka qabsaday fadeexoon ay ku lug lahaayeen xiddigaha caanka ah ee shaashadda iyo dhanka modelka.

Halkaan, shabakadda Filimside.net ayaa idinkugu soo gudbin doonta liiska shantii fadeexo ee ugu sarreeyeye ee ay ku lug yeesheen xiddigaha caanka ah ee shaashaddu sannadkaan dhammaadka ah 2016.

WEERARKII LAGU QAADAY GURIGA CHUMLEE: Uma aysan aheyn sannad wanaagsan xiddiga Pawn Stars ee Austin Lee Russell, kaasoo loo garan ogyahay Chumlee. 33 sanno jirkaan ayaa la xiray March ee sannadkaan ka dib markii ay boolisku weerar ku qaadeen gurigiisa.

Sababtii ay boolisku weerarka ugu qaadeen guriga Chumlee ayaa daaha laga qaaday, xiddigaaan caanka ka ah shaashadda ayaana waxaa la ogaaday inuu haweeneey si xoog ah ugu heysto gurigiisa, sidoo kale daroogooyin ayaa laga helay gurigiisa iyo hub sharci darro ah.

MARKII KIM KARDASHIAN LAGU DHACAY PARIS: Xiddigta showga The Keeping Up with the Kardashian ayaa waxaa bishii October ee sannadkaan lagu dhacay hoteelkii ay ka degenayd Paris halkaasoo ay u tagtay bandhig faashiyoonka ah.

Ku dhowaad dahab jooga 10 milyan oo dollars ayaa rag hubeysan oo kusoo lebistay dharka booliska ay ka dheceen 36 sanno jirtaan, taasi waxay xitaa saameyn ku yeelatay showgeeda Keeping Up with the Kardashians oo ay Isbuucyo baajisay.

FADEEXADDII GALMADA EE JOSH DUGGAR: Musiibo ayaa ku habsatay daadihiyaha showga 19 Kids and Counting ninka lagu magacaabo Josh Duggar markii daaha laga qaaday inuu u galmoon jiray gabdhaha la dhashay markii ay dhallinyarada ahaayeen.

Fadeexooyinkaani waxay soo bilowdeen oo ay saxaafaddu bilowday hadalheyntooda dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay, Josh ayaase intii lagu jiray sannadkaan 2016 wuxuu xalliyey musiibadaas sharaf dhaca ah ee ku habsatay.

TOBY WILLIS: Daadihiyaha showga TLC – The Willis Family ayaa la xiray bishii September ee sannadkaan markii la ogaaday inuu kufsaday gabar aan qaangaarin 12 sanno ka hor.  Muddo laba sanno ah ayuu soconayaa showga The Willis Family ee ka baxa hillinka TLC laakiin bishii May ee ayaa la kansalay. Hillinkaan ayaana daaha ka qaaday inuu la yaabay fadeexadda kusoo baxday daadihiyaha showgaan Toby.

CHAD JOHNSON: Showga la isku shukaansado ee ka baxa hillinka ABC ee The Bachelor ayaa waxaa lala wadaagay warbixin adduunku la yaabay oo ku saabsan halyeeyga ciyaaraha America Football.
The Bachelorette wuxuu soo bandhigay Chad Johnson oo khiyaano sameynaya si uu ugu guuleysto qalbiga gabadha caanka ah JoJo Fletcher. Wuxuuna wixii intaas ka dambeeyey noqday mid ka mid ah shaqsiyaadka loogu neceb yahay shaashadda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment