Bulsha:- Amaanta hablaha soomaaliyeed iyo dhaqankeena. wacan oo wanagsan mahad alleh baa is kale hada baadho taariikhii la soo dhaafay sanadihii tegay oo aha haga suuganta somaliyeed in kasta oo aan wax qoran laga hayan lakin la hayo wax la soo tebiyey sidaas oo ay tahay suuganta waxay hady gor ku lamaanayd xaga gumarka markaan sidaa leeyahay waxan ka wadaa haday noqoto mid jacayal ah oo gabadh la jecaladay loo samayeye ,
RIIX HALKAAN KA DAAWO GABAR DHAX YAR OO QURUX BADAN
ama mid lagu aamanyo gabadha , ama mid lagu caayay , ama mid iyada uu gara ah markaa ma wada xasuusto wixii aan ahayd oo gabadh somaliyeed lagu amaanay oo aah gabayo lakin halka waxan arab a in ana ku ururiyo idinlana wadaago wixii aan soo helo iyo waxaad soo heshaan kan ugu horeey waakan inkasta oo aanu dhamayan gabayg lakiin erayadan ka rabay oo aamnta aha baan ku jira intaan hayo.
kumagalo aduunyada nina gooni socodkoo murwo garashadheer baan ninka raga u godinoo iyadaa gudoonkiyo gaadh hayaan naftaadiyo gaadiidka reerkiyo gorgorshaada noqoto arin kulaga gorfayse hadan gaari kula jirin ilayan noloshu gul male.
goiwaa bar baareey goobi waxay ku dhaqantaa garab waxay ka dhigataa galad waxay ku dhaaftaa samo waxay ku gaadhaa gololada haweenkee hida heena gaarka ah hablihii gabowgiyo geerida ku sugijiray hablihii garaayskiyo xidhan jiray guntiinada.
gaba gabada sheekada bal aan soo gunaanado gudoonsiiyo jiiftada hablo weerar geli kara hablo geesi dilikara gabanimona hanahan kara gartana madal ka naqi kara garashana isaga mida quruxdana ka wada goba.
wixii ka qaldan idan kaa saxaya wixii aan soo helona waa kusoo darayaa waxad soo heshaan idn kaan ku daraya
1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso
2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye
3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e
13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho
17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto
18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso
19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo
20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade
22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment