Filimka Befikre Oo Maalintiisa Gudaha India Kasoo Xareeyey Lacagtii La Wada Sugayey

Bulsha:- Filimka Befikre ayaa todobaadkiisa labaad lugta geliyey waxaana filimkaan uu wali sameeyanayaa ganacsi xooga dhanka Box Office-ka waxaana uu hada gaaray rikoor macquul ah.

Filimkaan ayaaa todobaad saarnaa tiyaatarada India,balse lacagt loo saadaalinayey todobaadkiisa koowaad waa uu gaari waayey ,waxaana ay taasi keentay inuu todobaadkiisa labaad la qiimeeyo qiimaha uu keenidoono.

Shaley oo ay ahayd bilowga todobaadkiisa koowaad waxaa uu filimkaan gaaray inuu shaqeeyo lacagtii ama qarashkii laga sugayey oo ah inuu gaaro 50 crore mark.

Jimcadii shaley waxaa ay ahayd maalintii 8aad ee filimkaan laga daawado tiyaatarada gudaha India waxaana uu shaqeeyey 1.75* crores, waxaana ay taasi ka dhigantahay inuu filimkaan gabi ahaan uu shaqeeyey 50.50 crores.


Director Aditya Chopra ayaa wali wax badan ka rajeeynaya filimkaan inuu sameeyn ku yeesho Box Office-ka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment