Lammaanaha Saif Ali Khan Iyo Kareena Kapoor Oo Bayaan Rasmi Ah Kasoo Saaray Wiilka Kusoo Biiray Noloshooda

Bulsha:- ayaa hore idiinla wadaagtay warbixin sheegeysa inuu wiil kusoo biiray nolosha lammaanaha Bollywood Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor.

Durba lammaanahaan ayaa u wanqalay wiilkooda subaxnimadaan Talaadada ah, waxayna u bixiyeen magaca Taimur Ali Khan.

Haatan, Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor ayaa bayaan rasmi ah soo saaray wuxuuna ku saabsan yahay dhalashada wiilkooda Taimur Ali Khan. Halkaan ayeyna shabakadda gaaloos.com idinkugu soo turjuntay bayaankooda.

Bayaankaan ayaana wuxuu u qornaa sida tan: “Si aad ah ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaagno warkaan cajiibka ah ee ku saabsan dhalashada wiilkeena Taimur Ali Khan Pataudi, kaasoo ifka kusoo biiray 20ka bisha December sannadka 2016ka.

“Waxaan jeclaan laheyn inaan u mahadcelino warbaahinta iyo qaabkii ay inoo fahmeen sidii ay taageerada inoogu muujiyeen 9kii bilood ee lasoo dhaafay… Iyo dabcan taageereyaasheena gaarka ah oo markasta nasiib wanaagsan iyo nolol farxad leh inoo rajeynayey.

“Ciid Wanaagsan (Merry Christmas). Sannad Wanaagsan ayaan idin leenahay dhammaantiin… Waa Saif & Kareena oo idin leh waan idin jecel nahay”.


FIIRO GAAR AH: Waxaa laga yaabaa inay maqaalkaan ku jiraan erayo aan adeegsigoodu habbooneyn. Waana qaabka hadalka loosoo qoray. Marka akhriste qalad ha u fahmin 








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment