Bulsha:- Filimka Befikre ayaa ugu dambeeyn gaaray todobaadkiisa koowaad taaasi waxaa ay ka dhigantahay inuusan gaarin meeshii laga rabay balse uu kamid noqday filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen.
Filimkaan ayaa todobaadkii lasoo dhaafay maanta oo kale lasaaray tiyaatarada caalamka waxaana uu todobaadkiisa sameeyey waxyaabo badan oo ku saabsan inuu jebiyey rikooro aan caadi ahayn.
Ranveer Singh ayaa filimkiisa soo xareeyey maalintii ugu dambeeysey ee todobaadkiisa koowaad waxaana uu filimkaan shaqeeyey 2.50* crores.
Sidaasi darteeda waxaa uu filimkaan todobaadkiisa kowaad guud ahaan uu soo xareeyey 48.75 crores, waana wax iska wanaagsan balse waxaa la raajeeynayey inuu intaa iyo in kabadan shaqeeyo.
Saadaasha filimkaan ay dadka oo dhan ka aaminsanaayeen waxaa ay ahayd inuu gaaridoono rikoor ah 50 crores, balse ma dhicin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment