Bulsha:- Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda uu si toos ah ula caqal gelidoono saaxiibtiisa oo ay wax badan isla noolaayeen.
Kadib markii ay iska dhaleen laba caruur ah Messi waxaa uu go’aansaday inuu guursado saaxiibtiisa Antonella Roccuzzo, waxaana ay saaxiibo wada ahaayeen tan iyo yaraantooda.
Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo marka laga soo tago dagaalka ka dhexeeya taageeriyaashooda waxaa la aaminsayhay marka kaamirada la horjoogo inay muujiyaan saaxiibtinimo kuwaasi oo kaftama mararka qaar.
Ciyaartooy badan ayaa laga yaabaa Sida uu ogaanayo WWW.gaaloos.com inya ka qeeyb galaan xafladaasi waxaa ku jiridoono Cristiano Ronaldo oo ay macquul tahay inuu ka qeeyb galo xafladaasi.
Dhanka kale aqoon ayey isku leeyihiin Cristiano Ronaldo iyo Antonella Roccuzzo kadib markii ay ku kuleen xafladii 2015 Ballon d’Or oo lagu doonsiinayey Messi, sidaasi darteeda waxaa laga yaabaa in Cristiano Ronaldo uu ka qeeyb galo xaflada guurka ee Lionel Messi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment