Alia Bhatt oo ka hadashey Shaqsiga Saameynta Ugu Weyn Ku Leh Nolosheeda

Bulsha:-  Waxay Bollywood kusoo gashay filimkii Karan Johar ee Student of The Year sannadkii 2012kii, wixii intaas ka dambeeyey waxay sameysay dhowr filim oo guuleystay.

23 sanno jirtaan Alia Bhatt ayaana waxay daaha ka qaaday inuu filimsameeye Johar yahay shaqsiga saameynta ugu weyn ku leh xirfaddeeda Bollywood. Waana kabiirkeeda Bollywood maadaama uu wax kasta si gaar ah u fahansiiyey.

“Karan Johar wuxuu saameyn weyn ku leeyahay nolosheyda, sidoo kale wuxuu saameyn weyn ku leeyahay xirfaddeyda fanka ee Bollywood. Karan abaal ayuu igu leeyahay sababtoo ah dhanka shaqada ayuu iga caawiyey sidoo kale wuxuu iga caawiyey dhanka habdhaqanka,” Alia Bhatt ayaa sidaasi saxaafadda u sheegtay xilli ay booqasho ku tagtay Delhi.

Filimsameeye Karan Johar wuxuu Alia Bhatt kusoo saaray filimkiisii uu director ka ahaa ee Student of The Year sannadkii 2012kii, wixii intaas ka dambeeyey Alia waxay sameysay dhowr filim oo ay abaalmarinno ku heshay sida Highway (2014) iyo Udta Punjab (2016).

Sidoo kale waxay ammaan gaar ah kala duldhacday Karan Johar kaasoo ay sheegtay inay kaga dayato qaabka uu dadka ula dhaqmo iyo shaqsiyaddiisa oo ay ku sheegtay inuu yahay nin aad u degan.

Alia waxaa dhalay Mahesh Bhatt kaasoo ahaa atoore sidoo kalena ahaa filimsameeye laga ixtiraamo Bollywood.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment