Lagacaha Filimka Dear Zindagi uu Keenay 5 maalmood.

Bulsha:- SRK iyo Alia Bhatt filimkooda Dear Zindagi ayaa ganacsi adag sameeyay Talaaadiisa kowaad asigoo sameeyay 5% hoos u dhac marka lala bar bar dhigo Isniintiisii kowaad lacagaha uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay.

Filimka Dear Zindagi ganacsiga ugu wacan Koonfur Hindiya ayuu ka sameenayaa weliba Mysore ganacsi heer sare ah ayuu ka sameenayaa halka Nizam / Andhra iyo Tamil Nadu / Kerala uu ganacsi weyn ka sameenayo.

Waxaa xusid mudan in filimka Dear Zindagi uu Mysore kaliya kasoo xareeyay 4.50 Crore mudo 5-maalmood ah halka filimada ay isku fariinta yihiin ee sanadkaan la daawaday ee dadka reer magaalka loogu tala galay Neerja (6.10 crore) iyo Kapoor & Sons (5.25 cr) Mysore cimri ahaantooda kasoo xareeyeen!
Sidoo kale filimka Dear Zindagi wuxuu Mysore ganacsi ahaan ku garaaci doonaa filimada kala ah Pink, Fan iyo Rustom oo iyagana Mysore ganacsi fiican sanadkaan ka sameeyeen.

Fadlan hoos kaga bogo Dear Zindagi 5-maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay:
Jimco – 8.25 Crore
Sabti – 11.25 Crore
Axad – 12.50 Crore
Isniin – 4.25 Crore
Talaado – 4 Crore
Wadarta Guud – 40.75 Crore (Trade Figure/Producer Figure)

Sida muuqato Dear Zinagi waa hubaal inuu 60 Crore cimri ahaantiisa soo xareen doono sidoo kalena darajada Hit dhameestiran wuu noqon doonaa filimkaan balse wax walbo lagama hor dhici karo ilaa aan ogaano todobaadkiisa labaad sida uu ku guda galo filimkaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment