Bulsha:- Haweeneey ayaa xabsiga la dhigay muddo afar sanno ah ka dib markii ay wajiga ka bedeshay nin uu dagaal la dhexmaray.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Bethany Cox oo 24 sanno jir ah ayaa waxay weerar ku qaaday 29 sanno jirkaan Mark Cook kaasoo ay ugu baaqday in uusan mardambe ku dhihin ‘Waad San Weyn Tahay’.
Bethany Cox ayaa waxay weerarka ay ku qaaday Mark Cook u adeegsatay galaaska biyaha lagu cabo ee qalinka ah. Waxaana xusid mudan inuu jeexay wajigiisa.
Haatan wajiha Mark Cook waxaa ku yaalla haaro waa weyn waana mid laga cabsanayo. Wuxuu qabsaday qareen lagu magacaabo Jeremy Evans, waxaana xusid mudan inuu Mr Cook ku guuleystay dacwaddii uu kaga soo horjeeday Cox.
Wiilkaan ayaa waxaa wajigiisa laga tolay 24 qodob. Haatan gabadhaani waxay mari doontaa xabsi afar sanno ah ka dib markii ay weerarkaan xun ku qaaday wiilkaan, labadooduba waxay u dhasheen England.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment