Xog: Musharax sabab la yaab leh ugu soo xaadiri weyday doorashadii Cadaado

Bulsha:-  Arrin lala yaabay ayaa ka dhacday gelinkii danbe ee shalay markii laga waayay hoolkii ay ka dhacaysay tartanka doorashada aqalka hoose ee jufada Cali Gaaf Waceysle Fowsiya Xasan Abuukar oo ku jirtay liiska musharaxiinta, taasoo soo xaadirin, iyadoo maqana la yeeriyay magaceeda.

Fowsiya Xasan Abuukar ayaa la tartameysay musharaxiinta kala ahaa Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Saadaq Cabdikariin oo kursigaasi si adag uga guuleystay Eng. Cabdullaahi Cali Xasan.

Gabadhaan musharaxada aheyd ayaa u baaqaday handadaad iyo caga-jugleyn ay kala kulantay Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdikariin oo ugu hanjabay ineysan imaan karin hoolka doorashada ka dhaceysay kana soo qeybgeli karin tartankaasi.

Markii la yeeriyay magaceeda ayaa ergadii iyo goobjoogayaasha doorashadii indhaha la raacay Fowsiya Xasan Abuukar goobta ay fadhido, waxaana la isweydiiyay musharaxad Fowsiya Xasan Abuukar halka ay ku maqan tahay iyo sababta ay ugu soo qeybgeli weyday.

Baaritaan dheer kadib, waxaa ogaanay in ay jirto handadaad uu u jeediyay Saadaq gabadhaasi ay isku jufada yihiin.

Fowsiya Xasan Abuukar ayaa loo diiday in ay la kulanto ergada beesheeda iyadoo amar kasoo baxay Saadaq looga celiyay inay la hadasho ergada una gudbiso afkaarteeda iyo qorshaheeda musharaxnimo, intaasna ay usii dheereyd cagajugleyn iyo handadaad.
Tan iyo Axadii lasoo dhaafay oo ergada beesha Cali Gaaf soo gaareen Cadaado ilaa gelinkii danbe ee arbacada ay ka dhaceysay doorashada waxaa laga haayay ilaalo iyo shaqsiyaad la xilsaaray dhaqdhaqaaqooda si looga horjoogsado inay la hadlaan ama la kulmaan musharax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Fowsiya Xasan Abuukar.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment