Wiil U Dhashay Nigeria Oo Dhintay Balse Jaceylkiisa Dartiis Ayuu Usoo Noolaaday (Sawirro)

Bulsha:- Wiil dhallinyaro ah ayaa waxaa la saadaaliyey inay naftu ka baxday ka dib markii uu gaari JUG siiyey sababtuna waxay tahay dhulka ayuu ku dhacay sidoo kale dhiig ayaa sankiisa ka baxay.

Waqtigaas wuxuu u socday gabar uu doonayey inuu guursado oo uu fargalka u geliyo, wuxuu waday fargalkaas wuxuuna u dhowaa guriga jaceylkiisa. Laakiin nasiib darro gaari ayaa JUG siiyey wiilkaas u dhashay dalka Nigeria oo aan la magac dhabin.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa goobta soo gaartay gabadhii uu sida waallida ah u jeclaa. Taasoo ku dul barooratay wiilkaan ay sida aadka ah u jeceshahay. Dadweyne ayaa goobta soo gaaray, waxaana loo yeeray gaari meydka meesha ka qaada maadaama la saadaaliyey inay naftu ka baxday wiilkaan.

Hase yeeshee, wiilkaani wuu soo naaxay, markii uu arkay jaceylkiisa oo murugsan wuxuu qaaday tallaabadii ugu fiicneyd ee uu murugada uga saari lahaa, sababtoo ah wuxuu jeebkiisa kala soo baxay fargalkii wuxuuna ka dalbaday inuu ku guursado isla goobtaas.
Gabadhii ayaana si dhaqsi ah u aqbashay codsigiisa maadaama uu yahay wiil dhimasho loo saadaaliyey oo kusoo kacay baroorta gabadha aadka u jecel. Taasi waxay keentay inay marqura wada ooyaan dadkii goobta joogay. Halkaan hoose ka daawo sawirrada.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment