Bulsha:- Dhakhtar qaabilsan cudurrada ku dhaca Ilkaha ayaa waxaa uu SOOFE dhirirkiisu yahay 3 Cent Meter wuxuu uga soo tegay dhuunta gabar uu ku sameynayey qalliin nuuca loo yaqaano Root Canal Surgery ah.
Gabadha uu daantiistahaani SOOFAHA uga soo dhextegay dhuunteeda ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Vanessa Snary, oo 29 sanno jir ah, warbixintaani waxay sheegeysaa in aysan gabadhaani dareemin markii uu SOOFAHAANI ka galay afka una degay dhuunteeda.
Si kastaba ha ahaatee, xilli dambe ayey fahantay isla markaana dareentay inay wax uga taagan yihiin duunteeda, laakiin markii ay arrintaan la socodsiisay Dr Ester Torrejimeno wuxuu ku wargeliyey in aysan wicin 999 (Lambarka Xaaladaha Degdegga Ah Ee UK) bedelkeedana gabadhaani isbitaalka ayey ku tagtay lugaheeda.
Ka hor inta aan qalliin lagu sameyn ayaa waxaa la saaray RAAJO taasoo lagu ogaaday inuu caloosheeda ku jiro SOOFE dhirirkiisu yahay 3 Cent Meter. Vanessa ayaan wax dhaawac ah gaarin caloosheeda taasoo u aheyd nasiib wanaag. Laakiin muddo Isbuuc ah ma aysan hadlin gabadhaani, waxaana sidoo kale laga soo raacdeeyey shaqadeeda maadaama ay muddo Isbuuc ah ka maqneyd.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment