Bulsha:- Ma’aha xitaa wax caadi ah oo kaftan gala in shaqsiga uu xasaasiyad ka qaado wax waliba, balse maanta waxaa idin heynaa haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo xasaasiyad ka qaadeysa wax waliba xitaa ninka iyada qaba.
29 sanno jirtaan lagu magacaabo Johanna Watkins ayaa ku dhax nool qolkeeda muddo sanad ah iyada oo aan u soo bixin dibbad ama aysan arkin qorax, Sayga Johanna ee Scott ayaa marwadiisa xasaasiyada ay haleeshay u sameeyey daaqada miraayado ah kuwaasoo ka difaacayo ileyska cad cadeeda.
Waxaas waxaa kasii daran in Johanna ay xasaasiyad ka qabta taabashada banii’aadamka xitaa ninkeeda, Scout hadii uu doonayo inuu hab siiyo ama laabta geliyo xaaskiisa Johanna ma karo, hadii ay dhacdana haweeneydaan waxa ay dareemeysaa xanuun waa arinta ku kaliftay in Scout uu dago qeybta hoose ee gurigiisa, halka Johanna ay dagan tahay qeybta sarre ee guriga.
Johanna waxa ay la xanuunsaneysaa mast cell activation syndrome (MCAS) waxaana ku guuldarreysatay iney dabiibaan dhaqaatiir kor u dhaafeysa soddomeeyo.
MCAS ka waa nuuc kamid ah unugyada dhiiga cad cad kuwaasoo ka qariyo kiimikada jirkeeda, sidoo kale waxa ay xadidaan habdhiska difaaca jirka, balse kuwa Johanna uma shaqeeyo sida ay u shaqeeyaan MCAS ka dadka caadiga ah, waxa ayna soo daayaa dhacaanada waqti qaldan iyaga oo ku shubo sidoo kale meel qaldan.

Xaaladda marwadaan markii ugu horeysay ee lagu arkay waxa ay aheyd sagaal sanno kahor balse xaaladdeeda xilligaas waa la dhayal saday, xaaladdan oo kale waxa ay haleeshaa 15.1% dadka ku nool dunidaan.
“Waxaan si qoto dheer ugu mahad celinayaa qof waliba oo caawimaad ii fidiyey” ayey tiri Johanna .
Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in haweeneydaan cunno ahaan u cunto dabecasse (karooto), hilib lo’ oo duban iyo qajaar ka, sannad iyo in kabadan ayeyna haweeneydaan dhadhamin nuuc kale oo cunno ah, ninkeeda Scout waxa ay ku qaadataa saacado inuu usoo adeego marwadiisan ka xariman.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment