WAR CUSUB: Aishwarya Rai iyo wacdaraha la yaabka leh ee Bollywood-ka ay ka dhigtey.

Bulsha:- Aktarada weeyn ee Aishwarya Rai ayaa todobaadkaan taariikh ka sameeysey Bollywood-ka gaar ahaan qeeybtiisa Box Office-ka kadib markii aktaradaan ay kasoo muuqatay filimkii dhawaan lasaaray tiyaatarada caalamka ee Ae Dil Hai Mushkil.

Filimkaan ayaa noqday filim meel gaar ah ay qorondoonto aktarada maadaama uu muujiyey in wali ay nooshahay aktaradii caanka ahay ee muddada badan ku jirtay Bollywood-ka.

Sida aan la socono Aishwarya Rai ayaa dhawaan tiyaatarada kasoo muuqatay iyadoo lagu sheekeysanayo in filimaan Flop noqdeen ay lasoo shirtagtay waxaana kamid ahaa filimkii ay hormuudka u ahayd ee Sarbjit kaasi oo aan sameeyn ganacsi fiican.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil oo ay kasoo muuqatay Aktaradaan sidoo kalena door fiican ka ciyaartay ayaa la xaqiijiyey inuu kamid noqday filimada Aktaradaan ay sameeysey midkii ugu saameeynta badnaa dhanka iyo dhaqaalaha.

Filimkaan ayaa noqday filimkii ugu horeeyey ee ay aktaradaan soo jisho kaasi oo todobaadkiisa koowaad shaqeeyey lacag aan caadi ahayn ,waxaana uu garaacay filimka Dhoom2 oo ay aktaradaan qeeyb ka tahay.

Ae Dil Hai Mushkil ayaa todobaadkiisa koowaad shaqeeystay wax ka badan 80 crore ,waxaana rikoorkaa faa’ido u noqoneysaa Aishwarya Rai.

Guud ahaan filimkaan ayaa sida aad lasocotaanba muddada uu saaranyahay tiyaatarada waxaa uu shaqeeyeyey 84. 75 crore, waxaana uu sidaa ku garaacay Dhoom2 oo shaqeeystay todobaadkiisa koowaad 82. 3 crore.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment