Beyonce iyo Jay Z oo taageero weyn siiyay Hillary Clinton, ayagoo u dhigay xaflad weyn.

Bulsha:-  Fanaaniinta lamaanaha ah Beyonce iyo Jay Z ayaa dhigay xaflad ay ku garab istaagayeen musharaxadda madaxweynaha Mareykanka ee ka socota xisbiga Dimoqraadiga ee Hillary Clinton ugu dhigay magaalada Cleveland ee gobolka Ohio , xafladaas oo ay albaabada ugu fureen dhalinyada iyo taageerasha  muusigga jecel ayagoo ku madadaaliyay kana codsaday inay taageeraan una codeeyaan Hillary si ay u noqoto madaxweynaha dalkaasi Mareykanka.

Doorasha codbaxinta oo natiijadeeda soo baxeysa maalinta isniinta ayaa waxa lagu jiraa olole weyn kaas oo ay Hillary kula dagaalameyso murashaxa Jamhuuiga Donald Trump oo la filayo in ay ka guuleysato.

Jay Z iyo Beyonce ayaa yiri waxaan dooneynaa inaan aragno hillary oo madaxweyne ah si ay gabadheena yar u aragto haweeney madaxwene ka noqota dalkaasi taasi oo ah markii u horeysay hadii ay dhacdo , tan kale waxey ka digeen in ala doorto qof midnmada dalkaasi aan ka shaqeyneyn sida Trump oo lagu eedeeyay inuu tafaraaruq ku yahay midnima.
Hillary Clinton ayaa horey waxey taageero ugu heshay fanaaniin waaweyn sida Pharrell , John Legend, Big Sean, Katty Perry iyo kuwa kale oo badan.
Madowga Mareykanka iy dadka laga tirada badanyahay ayaa la filayaa in ay codkooda aqlabiyada siiyaan musharaxad Hillary Clinton.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment