Bulsha:- Jilaaga weyn ee Bollywood ee Shah Rukh Khan ayaa waxuu heshiis la saxiixday waaxda dalkiisa ee magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta , isagoo u sameyn doona filimo gaagaaban oo xayeysiin ah, kuwaasoo uuku amaanayo Dubai , uuna dadka dalxiisayaasha ugu soo jiidayo.
Shahrukhan oo ka hadlayay heshiiskaan uu la galay Dubai inuu iidheh u sameeyo ayaa yiri ''Dubai waa gurigeyga labaad waana magaalo aan u jeclahay inaan ku qaato dalxiis ama aan filimada ku dhigo waa magaalo aad ii dareen geliso aana ku farxo inaan imaado mar waliba, anigoo taageerayaal badan ku leh , waxaana filimadaan aan ku duubi doono ku sharaxi doonaa sirta ka dambeysa inaan kusoo noqnoqday magaalada".
Shahrukh oo 51 jir ah ayaa waxuu intaa ku daray Dubai ay dalkiisa Hindiya wax badan wadaagaan oo ah dhaqanka iyo ganacsiga sidoo kalena ay dad badan oo muwaadiniinta Hindiya ah ay ku noolyahiin kana shaqeystaan asigoo aad ugu faraxsan taasi.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment