Jilaaga Abhishek Bachchan Muxuu ka yiri wacdarihii Ay Xaaskiisu Ka Dhigtay Filimka Ae Dil Hai Mushkil?

Bulsha:- Abhishek Bachchan ayaa markii ugu horeeysey ka hadlay filimka todobaadka qabsaday Tiyaarada caalamka ee Ae Dil Hai Mushkil kaasi oo door wanaagsan kka geeysatay xaaskiisa Aiswarya Rai Bachchen.

Aktarkaan ayaa sheegay inuu ka xunyahay marka hore in wali uusan arkin filimka , laakiin uu sheegay inuu aad ula dhacay sida uu u qabsaday caalamka.

Marka hore waxaa uu ka hadlay Abhishek Bachchan inuu aad u mashquulay xilligii filimka lasoo bandhigayey,waxaana uu sheegay inuu kooxdiisa kubadcagta safar u raacay.

”Nasiib daro , wali ma arag filimka, sababtoo ah waxaan la maqanahay kooxdeeyda kubada cagta, waxaana rajeeynayaa inaan daawado todobaadyada soo socda.

Abhishek Bachchan waxaa uu kamid yahay mid kamid ah milkiiliyaasha kooxaha ciyaaraya horyaalka India ee India Supper League,waxaana kooxdiisa lagu magacaabaa franchise Chennaiyin FC.

Waxaa uu aktarka sheegay inuu arkay kaliya kaararka filimka lagu daawankaro , sidaasi darteeda uu aad ugu mahadcelinaya soo saaraha filimka Karan Johar iyo asxaabtiisa.

”Waxaan arkay kaararka filimka lagu daawankaro, waxaana ku qancay maalgeliyaashiisa, aad ayaan ugu faraxsanahay arintaan, waxaan sidoo kale amaanayaa Karan Johat iyo kooxdiisa filimkaan ,waxaana u rajeeynayaa dhamaan wanaagsan iyo guul.

Abhishek xaaskiisa ee Aishwarya Rai Bachchan ayaa filimkaan wacdaro ka sameeysey ,waxaana uu kamid noqday mid kamid ah filimadeeda guuleeystay hal todobaad gudihiisa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment