Bulsha:- Warbaahinta ayaa Isbuucyadii ugu dambeeyey ku eedeyneysay musharraxa madaxweyne ee dalka Mareykanka Donald Trump inuu galmo la sameeyey hablo magac leh, qaarkoodna shaqada ayuu ka raacdeeyey ka dib markii ay ka diideen inay galmo la sameeyaan.
Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Go News ayaa haatan daaha ka qaaday in uusan Donald Trump oo keliya hablaha raadsan laakiin ay jirto gabar bixisay qiimo lacageed dhan nus milyan dollars ama 500 kun oo dollars si ay galmo ula sameyso Donald Trump.
Wararku waxay sheegayaan inay ujeedada gabadhaan aheyd inay galmo la sameyso Donald Trump ka dibna ay dacwad kusoo oogto musharraxaan madaxweyne ee dalka Mareykanka isla markaana ka mid ah dadka ugu hantida badan USA.
Si kastaba ha ahaatee, illaa haatan ma jirto caddeyn muujineysa in gabadhaan ay lacagtaan soo siisay Hillary Clinton oo ah shaqsi si dhow ugula loolamaya Donald Trump xilka ugu sarreeya USA… Waxaana sidoo kale xusid mudan inay labaduba ku dagaalamayaan xilka madaxweynihii 45aad ee qabta xilka ugu sarreeya USA.
Gabadhaan waxaa lagu magacaabaa Zervos waxayna 500 kun oo dollars siiyey gabadha magaca weyn ku leh America Gloria Allred, taasoo u ololeysa xuquuqda rayidka qiimahaas lacageed ee ay ka heshay 75 sanno jirtaan ayeyna si tartiib ah u isticmaashay si ay galmo ula sameyso Trump… Balse taasi uma suurtogelin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment