Waad La Yaabeysaa Natiijada Kaaga Soo Baxeysa Haddii Ay Hal Qol Ku Xirto 14 Bisadood (Video)

Bulsha:- Cats eat each other after being abandoned in house, woman convicted of cruelty

Haweeneey ayaa hal guri kusoo xirtay 14 bisadood, waxayna halkaas ku xirnaayeen illaa baahi heerkii ugu sarreysay ay ka gaareen… Ka dibna natiijo waalli ah ayaa kasoo baxday markii ay furtay qolkii ay ku xirtay.

Haweeneydaan ayaa waxay ka dib muuqaal kasoo duubtay qolkii ay ku xirtay 14kaas bisadood wuxuuna muuqaalkaasi daaha ka qaadayaa inay iscuneen bisadahaasi midba midka kale, ugu dambeyn hal xabbo ayaa kasoo badbaaday.

Haweeneydaan ayaa waxay deganeyd magaalada Adelaide ee dalka Australia. Waxaana xusid mudan inay maxkamadda Port Adelaide Magistrates Court ka mamnuucday haweeneydaan inay heysato wax xayawaan ah maadaama daaha laga qaaday inay qabto cudur dhimirka ah.

Madaxa ciidanka booliska magaalada Adelaide Andrea Lewis ayaa daaha ka qaaday inay dadku kusoo wargeliyeen inay haweeneydaani qol ku xirtay 14 bisadood isla markaana ay muddo dheer ku jiraan, markii ay fureen qolkaas waxay heleen keliya hal bisad oo nool, dhammaan 13kii kalena waa ay bakhtiyeen.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment