Qoys Reer Syria Ah Oo Gabadhooda Ugu Magac Daray Angela Merkel, Balse Ka Dib Maxaa Ku Dhacay?

Bulsha:- Qoys muhaajiriin ah oo reer Syria ah ayaa waxay go’aansadeen inay gabadhooda ugu magac daraan Germany Chancellor Angel Merkel, tallaabadaas ayaana aheyd mid ay ugu mahadcelinayaan gabadha ugu sarreysa Jarmalka, laakiin codsigoodii waa laga soo diiday.

Aabe Al-Hamza ayaa waxay gabadhaani u dhalatay 27kii October waxayna ku dhalatay magaalada Duisburg, wuxuuna go’aansaday inuu u bixiyo Angela Merkel Al-Hamza, taasoo ka dhigan inuu ugu magac daray Angela Merkel oo dalkeeda Germany uu soo dhoweeyey Qaxootiga Syria.

Si kastaba ha ahaatee, waalidkaan waxa kale ee ay doonayeen ayaa aheyd inay uga mahadceliyaan guud ahaan reer Germany tallaabada ay ugu garteen inay sii joogaan dalkaan.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta gudaha Germany ayaa haatan sheegeysa in qoyskaan oo ku nool magaalada Moenchengladbach laga soo diiday codsigoodii ahaa inay gabadhooda ugu magac daraan Angel Merkel, haweeneyda ugu sarreysa Germany.

Mamon Al-Hamza ayaana wuxuu saxaafadda u sheegay inuu si aad ah uga xun yahay tallaabada ay maamulka magaalada Moenchengladbach uga soo diideen codsigiisii ahaa inuu gabadhiisa ugu magac daro shaqsigii sida weyn ugu soo dhoweeyey Germany.

Wararku xitaa waxay sheegayaan inay qoyskaani ugu dambeyntii weydiisteen dalka Germany inay ka baxaan isla markaana ay dib ugu laabtaan dalka Turkey. Waxaana ay wararku sheegayaan in maamulka magaalada Moenchengladbach ay haatan u sheegeen qoyskaan inay si ku meel gaar ah usii joogi doonaan Germany inta looga ogolaanayo codsigooda.

Haatan muddo hal sanno ah ayaa laga yaabaa inay sii joogaan Germany waxaana xusid mudan in aysan xubno kale oo qoyskooda ah ka keeni karin Syria.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment