Qaar Ka Mid Ah Xidigaha Bollywood-ka Hadiyadaha Qaaliga Ah Ay Ka Heleen Qof Ay Isku Dhow Yihiin Qaybta 11-aad

Bulsha:- Kusoo dhawaada qaybta 11-aad ee maqaalkeena aan kaga hadleenay xidigaha Bollywood-ka hadiyada qaaliga ah ay isi siiyeen ama ay ka heleen qof aan Bollywood-ka ka tirsaneyn balse noloshooda aad ugu dhow.

Maantana waxaan ka faaloon doonaa Super Star Shah Rukh Khan marka uu hadiyad qaali ah siiyay saaxiibkiis Arjun Rampal.

Shah Rukh Khan waxa King of Bollywood loo dhahay bilaash ma ahan madaama uu xidigaan naxariis badan sidoo kalena uu jecel yahay inu dadka la shaqeeyaan uu ka farxiyo asigoo hadiyado qaali ah siinayo.

Waxaa dhacday in SRK uu hadiyad qaali ah siiyay saaxiibkiis Arjun Rampal madaama uu Arjun sanadii 2011 aqbalay inuu door laadarnimo filimka Ra. One ku matalo.

Filimka Ra. One SRK ayaa soo saare ka ahaa sidaa darteed saaxiibkiis Arjun Rampal oo filimkaas u hagar baxay wuxuu hadiyad ahaan u siiyay baabuurka nooca raaxada BMW 7 series sedan.

Gaariga BMW 7 series sedan ee SRK hadiyad ahaan u siiyay Arjun Rampal wuxuu qiimo ahaan ku fadhiyay 1 Crore ($151,515)!

La Soco Qaybteena Xigta oo aan kaga hadli doono Siddharth Malhotra iyo markii saaxiibtiis Alia Bhatt hadiyad qaali ah siiyay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment