SONAKSHI SINHA: “Jillayaasha Markasta Waxaa Saaran Cadaadis La Xiriira Muuqaalkooda”

Bulsha:- Sonakshi Sinha oo ka mid ah atariishooyinka xilligaan calanka u sida Bollywood ayaa daaha ka qaaday in jillayaasha caanka ah ee Bollywood uu markasta cadaadis ku saaran yahay inay muuqaal ahaadaan kuwo heer sarre ah.

29 sanno jirtaan Sonakshi Sinha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inay iyadu markasta taxadar weyn muujiso sidii ay muuqaal ahaan iyo caafimaad ahaanba u joogi laheyd heerka ugu wanaagsan.

“Waxaan u maleynayaa inuu markasta cadaadis saaran yahay jillayaasha si uu muuqaalkoodu u ahaado heer sarre waqtiga oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, waa arrin ku xiran shaqsiga iyo sida uu cadaadiskaas u dareemo,” Sonakshi ayaa sidaasi u sheegtay saxaafadda.

“Anigu markasta waxaan ahaan doonaa shaqsi muuqaal ahaan u muuqda heer sarre sidoo kalena caafimaad ahaan ku jira xaalad wanaagsan”.

Sonakshi Sinha ayaa hadalkeeda ku dartay: “Waan ogahay inay hablaha dhallinyarada ah inagu dayanayaan. Waxay sameeyaan wax kasta oo aan sameyno. Sidaas darteed ma doonayo inaan farriin qaldan u gudbiyo hablahaas dhallinyarada ah haba la xiriirto dhanka caafimaadka.”

Filimka Force 2 oo ay hogaamiyeyaal ka yihiin Sonakshi Sinha iyo John Abraham ayaa haatan ganacsi wanaagsan ka sameynaya BOX OFFICE. Waxaana xusid mudan in filimka xigga ee lagu arki doona Sonakshi uu noqon doono NOOR.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment