Priyanka Chopra Oo Ka Hadashay Wadadii Ay Guusha Usoo Martay, Haddii Ay Jirto Cid Garab Siisay & Waxa Ay Haatan Higsaneyso

Bulsha:- Atariishada weyn Priyanka Chopra ayaa waxay ka mid tahay shaqsiyaadka fanka heerka sarre ka gaaray iyadoo aysan jirin cid garab siisay. Si kastaba ha ahaatee, Priyanka Chopra waxay si gaar ah ugu mahadcelisay taageereyaasha fanka kuwaasoo ay ku sheegtay inay yihiin cidda gaarsiisay booska ay maanta ka joogto shirkadaha Bollywood iyo Hollywood.

34 sanno jirtaan Priyanka Chopra ayaa iyadoo dhallinyaro ah kusoo biirtay Bollywood waxaana xusid mudan inay ku guuleysatay dareenka taageereyaasha caalamka kuwaasoo qiray inay tahay atariisho tayo u saaxiib ah.

Si kastaba ha ahaatee, Priyanka waxay farta ku fiiqday in guul kasta oo ay gaartay ay tahay mid ku timid shaqo adag oo ay qabatay, iyadoo aysan jirin si caawisay ama cid ku taageertay shaqadeeda.


Priyanka ayaa saxaafadda u sheegtay: “Waxaan fanka soo bilaabay anigoo aan heysan wax garab ah. Ma jirin cid i taageeraysay. Waxaan xitaa soogalooti ku ahaa magaalada Mumbai, sidoo kale shirkadda Bollywood. Ma jirin cid aan aqoon u lahaa. Sidaas darteed wixii aan guul gaaray oo dhan ma jirin cid garab igu siisay ama cid igu taageertay.

PC oo wareysi siineysay CBC Channel ayaa tiri: “Jaceylka saameynta leh ee aan ka helay taageereyaasha aflaanta ee adduunka dacalladiisa ayaa awooddaan i siiyey. Waxay taageeradoodu i gaarsiisay halka aan maanta joogo. Miyaan maanta ahay wejiga atariishooyinka Bollywood? Xitaa haddii aan ahay ma doonayo inaan ku qanacsanaado doorkaas. Waxaan doonayaa inaan dadaalkeyga sii laba jibbaaro”.

priyanka-chopra-2Priyanka ayaa loo caleemo saaray taajka Miss India ka dibna guuleysatay billada Miss World iyadoo 17 sanno jir ah.  Waxaana xusid mudan inay Bollywood kusoo biirtay sannadkii 2003dii markaasoo ay kusoo gashay filimkii The Hero: Love Story of a Spy.


Priyanka waxay daaha ka qaaday in wixii intaas ka dambeeyey aysan dib u eegin jidkii ay soo martay isla markaana keliya ay dooneysay inay guulo horleh gaarto. Waxay isku bedeshay fannaanad iyadoo duubtay laba heesood In My City iyo Exotic ka dibna waxay ku biirtay Hollywood iyadoo musasalka Quantico oo ay ku jilleyso Alex Parrish soo saartay 2015kii.

Haatan waxay duubeysaa musasalka Quantico Season 2, iyadoo marka aad joogto India aad ka daawan doonto hillinka Star World. Sidoo kale PC waxaa miiska u saaran filimkeeda ugu horreeya ee ay dooneyso inay ku gasho Hollywood waana Baywatch.

Waxaa intaas sii dheer inay Priyanka leedahay shirkad u gaar ah Purple Pebble Pictures taasoo filimkeedii labaad soo saartay waana Sarvann ka dib markii uu Ventilator u noqday filimkoodii ugu horreeyey ee ay soo saareen.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment