Bulsha:- Vidya Balan iyo Arjun Rampal filimkooda Kahaani 2 waxaa si rasmi ah tiyaatarada gudaha Hindiya loo saari doonaa Jimcada nagu soo fool leh (2 Dec 2016).
Vidya iyo Arjun waxay ka dhawaajiyeen inay walaac gaar ah qabaan wuxuuna walacaas yahay in sanadkana inta badan filimada qayb labaad laga sameeyay badankooda guul dareesteen ganacsi ahaan sida Ghayal Once Again, Force 2, Rock On 2, Great Grand Mast iyo kuwo kale.
Vidya Balan waxay tiri “Kahaani 2 ma ahan qaybta labaad ee Kahaani midaas culeeska ayay naga dajin doontaa qayb ka mid ah balse magac ahaan waa labo filim oo isla xariiraan midaasna culees kale ayay wadataa”
Arjun Rampal wuxu yiri “filimkeygii ugu dambeeyay Rock On 2 wuu guul dareestay haatana qof walbo wuxuu leeyahay Arjun markale qayb labaaad oo fashilmi doonto ayuu kasoo muuqan doonaa”
Vidya Balan iyada culees u gaar ah ayaa heesto waayo xidigtaan filimadeedii ugu dambeeyay Ghanchakkar, Shaadi Ke Side Effect, Bobby Jasoos, Hamari Adhuri Kahani iyo Te3n dhamaantooda wey fashilmeen waxayna noqdeen kuwo guul dareesteen.
Arjun Rampal iyo Vidya Balan sidoo kale waxay walaac ka qabaan lacag la’aanta Hindiya ka jirto madaama hanaanka lacagaha 500 iyo 1000 Rupee lagu badalaayo weli gaabis ku socdo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment