Heerka Uu Marayo Xiriirkii Jaceyl Ee Ranbir Kapoor Iyo Katrina Kaif Iyo Haddii Uu Soo Hagaagay

Bulsha:- Warar xan ah oo soo baxayey ayaa soo jeedinayey inay dib isugu soo laabteen Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif isla markaana ay halkoodii hore ka ambaqaadeen xiriirkoodii jaceyl.

Si kastaba ha ahaatee, warar niyadjab leh ayaa haatan soo baxaya, waxayna sheegayaan in aysan xitaa eegmada isku quurin Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif, iska illoow inay isla hadlaane.

Shaqsi aan la magac dhabin oo ku dhow labadooda ayaa saxaafadda u sheegay: “Wararkaan xanta ah ee sheegaya inay dib isugu soo laabteen Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif gabi ahaanba waa been abuur.

“Bishii January ee horraantii sannadkaan ayuu burburay xiriirkoodii jaceyl. Wixii intaas ka dambeeyey waxay ku kulmeen duubista filimka Jagga Jasoos, xitaa hal eray isma dhaafsan.”

Wararku waxay intaas ku darayaan inay masaafo fog isku jirsadeen Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif haatan. Sababtoo ah 33 sanno jirtaan Katrina ayaa ka guurtay daartii ay sida wadajirka ah ugu noolaayeen iyada iyo RK ee ku taallay Carter Road, waxayna ku laabatay gurigeedii hore oo ku yaalla Waterfield Road.

Intii lagu jiray xafladdii ciidda Diwali ee ka dhacday guriga Anil Kapoor, Ranbir iyo Kat isku waqti ayey yimaadeen laakiin laba gees ayey kala istaageen iyadoo mid kasta bartanka kaga jiray asxaabtiisa. Xaqiiqada ayaana ah in Katrina aysan xitaa daawan filimkii ugu dambeeyey ee Ranbir Ae Dil Hai Mushkil.
Warar dheeraad ah ayaa intaas ku daraya in Katrina iyo Ranbir oo 10kii cisho ee ugu dambeysay duubayey filimkooda Jagga Jasoos ay si aad ah uga careysan yihiin qaabka ay saxaafaddu diiradda u saartay xiriirkooda jaceyl ee fashilmay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment