Bulsha:- Sonakshi Sinha waxay ka mid tahay atariishooyinka waqtigaan ugu shidan shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood. Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay sheegayaan in aysan ku qanacsaneyn doorkaas isla markaana ay isha ku heyso inay sameyso horumar weyn.
Sonakshi Sinha ayaana waxay isha ku heysaa in xitaa loogu yeero niinaasta Rockstar Girl waxayna si adag uga shaqeyneysaa qaabkii ay ku suurtogeli laheyd arrintaasi.
Mid ka mid ah atariishooyinka Bollywood oo aan la magac dhabin ayaa u sheegtay saxaafadda inay Sonakshi Sinha wacdaro ka dhigtay xafladdii Global Citizen India ee ay shideen kooxda Coldplay.
“Sonakshi Sinha waxay joogtay xafladdaas, waxayna masraxa kula biirtay kooxda Coldplay, iyadoo halkaas ka qaaday heesta Love Dose, daawadeyaasha xafladdu aad ayey ula dheceen codkeeda.
“Sonakshi Sinha waxay muujisay inay ku jirto tamar badan isla markaana ay xoogan tahay iyadoo kalsooni ku qabta tayadeeda. Sidoo kale waa gabar xor ah. Waxayna isku deyeysaa inay horumariso nolosheeda.
“Sona sidoo kale waxay dooneysaa inay bedesho aragtida laga aaminsan yahay, waxay dooneysaa inay dadku ugu yeeraan Rockstar Girl isla markaana ay noqoto fannaanad heer sarre ah.
“Waxaa laga yaabaa in tallaabadaan ay qaaday ay sabab u tahay Priyanka Chopra sababtoo ah Priyanka Chopra waxay qaaday hees hirgashay ka dibna waxay ku biirtay Hollywood iyadoo la gashay musasalkeeda Quantico, ka dibna waxaa Priyanka Chopra u suurtogashay inay hesho filim Hollywood ah. Sidaas darteed Sona waxay dooneysaa inay horumar sameyso isla markaana ay gasho Hollywood.”
Si kastaba ha ahaatee, lama xaqiijin karo xilliga ay 29 sanno jrtaani ku wajantahay Hollywood oo ah halka ugu sarreysa ee uu u shaqo doonto jillaa kasta.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment