Sawiro: Tani Waa Qof Dumar Ah Oo Heysato Malaayiin Dollar Ma Aamini Doontid Shaqada Ay Qabato!

Bulsha:- Inteena badan waxaa ku riyoonaa inaan helno lacag badan si aan isaga dhaafno shaqada aan maalin kasta qabano, laakiin waxaa jirto gabar arrintaan kasoo horjeedo.

Yu Youzhen weli ma aysan iska dhaafin inay jidadka nadiifiso kadib markii ay lacag badan dowladda Shiinaha uga qaadatay shaqadaan muddo 7 sano ah, waxayna iibsatay guryo badan oo ay kireysatay.


Gabadhaan ayaa maalin kasta soo kacdo 3-saac subax kasta oo kamid ah asbuuca, waxayna soo xirataa dharka Orange ah, waxayna aadaa magaalada ay ka shaqeyso, waxayna 6 saac ka shaqeysaa nadiifinta wadooyinka, waxayna shaqadaan waday ilaa sanadkii 1998, wuxuuna sheegay maamulaheeda inaysan wax fasax ah helin tan iyo markii shaqadaan bilawday marka laga reebo seddex maalin oo ay ku maqneed Tacsida waalidkeed.


Gabadhaan ma jeclo inay noqoto sida dadka qaar, waxayna tiri: ” shaqada kaliya mushaar maahan, shaqsiga waxay ka dhigtaa mid xoog leh, caajiskana wuxuu keenaa caadooyin xun xun, waxaan doonayaa inaan ilmaheyg tusaale fiican u noqdo oo aysan gacmaha isi saaran.

Gabadhaan ayaa mushaar ahaan bishii u qaadato 140 Geniga Australia ah taasoo u dhigantp 200 Dollar, Laakiin sida dhabta ah uma baahno lacagtaas, sababtoo ah lacagta malaayiinta ah oo ay heysato ayaa ugu filan inay nolosheeda inta ka dhiman ku maareysato.

Sidoo kale Islaantana ayaa ilmaheeda ku dhiiragelisay shaqad, mid kamid ahna waa darawal gaari, halka gabar kale oo ay dhashay ay ka shaqeyso maktabad.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment