Sawiro: Aabe Dhalay 35 Cunug Iyo Wax Aad La Yaabi Doontaa Oo Uu Aaminsan Yahay Haddii Uu 100 Gaarsiiyo

Bulsha:- Jan Mohamd, waa dhaqtar u dhashay dalka Pakistan, wuxuu dhalay 35 cunug oo ay kala dhaleen 3 dumar oo uu qabo, wuxuuna hadda u hanqal taagayaa inuu gaaro riyadiisa ah (100) cunug si ay damaanad ugu noqdaan gelista janadda waana sida uu isaga aaminsan yahay, haddana wuxuu isku diyaarinayaa inuu guursado naagtiisa afaraad si uu dhaqso u gaaro hamigaas.


Ninkaan oo 43 jir ayaa aaminsan in markasta oo aad dhasho ilmo badan ay taas damaanad kuugu noqoneyso inaad janada gasho, haddana wuxu qabaa Naz Gol oo 23 jir ah, Nura Bebi oo 28 jir ah iyo Bebi Oo 25 jir ah, waxayna u kala dhaleen ilaa 14 wiil iyo 21 gabdhood ilaa hadda.


Dhammaan qoyskiisa waxay ku nool hihiin hal guri, oo ka kooban 12 qol kaasoo cabirkiisu yahay 4000 M2, wuxuuna ka shaqeeyaa magaalada Quetta isagoo mushaar ahaan bishii u qaato 900 Dollar taasoo kaga filan nolosha qoysaskiisa sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed ayaa sheegay inuusan kala jecleyn ilmihiisa, wuxuuna caddeeyey in qof kasta wuu xaq u leeyahay xanaaneyn iyo waxbarasho wuxuuna yiri ” waxaan jeclahay inaan gabdhaheyga waxbaro, waxaana ku dadaali doonaa inaan u sameeyo wax kasta oo ay horumar ku gaarayaan”.

Aabahaan ayaa la sheegay inuusan awoodin kala saarida magacyada ilmahiisa laakiin wuxuu ku faraxsan yahay in gurigiisa ay ilmo buuxiyeen.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment