Twinkle Khanna Oo Ku Maadeysatay Hrithik Roshan Markii Uu Weydiistay Buuggeeda Cusub

Bulsha:- Inta badan saaxiibnimo ayaa ka dhexeysa jillayaasha Bollywood, sidoo kale ixtiraam ayey isku hayaan. Si kastaba ha ahaatee, mararka qaar waxay isku tuuraan hadallo kaftan ah haba isku marsiiyaan baraha bulshadu ku kulmaan.

Labada atoore ee Bollywood Hrithik Roshan iyo Akshay Kumar waa deris, sidoo kale waa saaxiibo isku dhow. Inta badan qoysaska labadaan atoore ayaa si weyn isku caawiya iskuna taageera, mararka qaarna waxay saaxiibnimadooda iyo isjaceylkooda ku muujiyaan baraha bulshada. Waana arrinta markale dhacday maanta.

Twinkle Khanna ayaa waxay dhowaan soo saartay buuggeeda The Legends of Lakshmi Prasad, waxaana si weyn usoo dhoweeyey sheekada buuggaan xiddigaha Bollywood kuwaasoo sidoo kale kasoo dalbaday Twinkle Khanna oo ah xaaska Akshay Kumar.

Si kastaba ha ahaatee, Hrithik wuxuu muujiyey sida uu uga niyadjabsan yahay in aysan Twinkle Khanna soo gaarsiin buuggaan inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay keliya 15 feet isku jiraan labada guri ee ay kala degan yihiin Hrithik Roshan iyo Akshay Kumar.

Hrithik Roshan ayaa wuxuu kusoo qoray bartiisa Twitter: “Qofkasta wuxuu ka hadlayaa buugga The Legends of Lakshmi Prasad ee Twinkle Khanna, laakiin Twinkle Khanna aaway aniga koobigii aad iigu talogashay? Wax ka yar 15 feet ayaan kuu jiraa. Iisoo sheeg haddii aad ii heyso waan kaa soo doonanayaa.”
Twinkle ayaana si dhaqsi ah ugu soo jawaabtay, laakiin sdoo kale kaftan ayaa ku jiray qoraalkeeda, iyadoo u sheegtay inay si qaas ah koobbigiisa ugu soo habeyn doonto ka hor inta aysan usoo dirin sidoo kalena waxay tallaabadaas ku sheegtay qaabka ay wax isugu geeyaan deriska isjecel.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment