Bulsha:- Kusoo dhawaada qaybta 9-aad ee maqaalkeena aan kaga hadleenay xidigaha Bollywood-ka hadiyada qaaliga ah ay isi siiyeen ama ay ka heleen qof aan Bollywood-ka ka tirsaneyn balse noloshooda aad ugu dhow.
Maantana waxaan ka faaloon doonaa Mega Star Salman Khan iyo marka uu walaashiis Arpita Khan uu hadiyad qaali ah siiyay.
Salman aduunka qoyskiisa ayuu ugu jecel yahay waayo Khan Khandan qoyskaan waa mid isku xiran sidoo kalena hal meel ku wada nool gaar ahaan aqalka weyn ee Galaxy Apartment ee magaalada Mumbai ku yaalo.
Salman Khan reerkiisa wuxuu ugu jecel yahay walaashiisa ka yar Arpita Khan, wuxuuna aduunka tusay jaceylka uu walaashiis u qabo sidii wacneyd ee uu arooskeedii sanadii 2015 u agaasimay.
Salman Khan markii ay walaashiis Arpita Khan guursatay wuxuu siiyay hadiyado kala duwan balse hadiyada hadal heynta abuurtay waxay tahay inuu siiyay gaari nooca raaxada ah ee lagu magacaabo A white Rolls Royce Phantom.
Salman Bhai gaariga uu walaashiis hadiyad ahaan u siiyay wuxuu ku fadhiyaa qiimo ahaann 3.50 Crore ($530,303)!
Wuxuuna Salman muujiyay in walaashiis uu siweyn u jecel yahay sidoo kalena lacagta aysan waxba agtiisa ka ahayn marba hadii uu qaaday talaabo uu Arpita Khan kaga farxiyay.
La Soco Director Vidhu Vinod Chopra Marka Uu Hadiyad Qaali Ah Siiyay Mega Star Amitabh Bachchan……
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment