Super Star Vikram Filimkiisa Xiga Xiliga Uu Ka Hawl Gali Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

Bulsha:- Super Satr Vikram iyo taageerayaashiisa waxay weli u dabaal dagayaan filimkiisii ugu dambeeyay Iru Mugan ee tiyaatarada la saaray bishi September kaasi oo Blockbuster weyn noqday.

Haatan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday Super Star-ka reer Tamil filimkiisa xiga inuu ka hawl gali doono bisha December ee nagu soo fool leh.

Lama shaacin Vikram filimkiisa xiga fariinta uu xambaarsan sidoo kalena magac looma bixinin waana mashruuc aan wax badan laga ogeyn.

Filimkaan waxaa iska leh shirkada Silverline Film Factory halka Vijay Chander uu Director ka yahay waxayna noqon doontaa markii ugu horeesay ee Vikram filim sameeyahan la shaqeyn doono.
Vikram afhayeenkiisa wuxuu sheegay inuu bishan November inta ka harsan kusoo gaba gabeen doono duubista filimkiisa Sammy 2 ee uu dhawaan qabyo kaga tagay muuqaalada ugu muhiimsan ee filimkaan ka harsanaa lana daawan doono bilaha ugu horeeyo ee sanadka dambe.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment