Sawiro U Gaar Ah Shahid Kapoor Walaalkiis Ishaan Khattar Oo Dhawaan Bollywood-ka Kusoo Biiri Doono

Bulsha:- Ishaan Khattar waa 21-jir diyaar u ah inuu Bollywood-ka kusoo biiro waana xidig isku diyaarinaayo inuu fanka Hindiya saameyn ku yeesho.

Image result for ishaan khattar and shahid kapoor

Ishaan Kattar walaalkiis ka weyn waa Shahid Kapoor oo ah atoore Bollywood-ka heer sare ka gaaray sidoo kalena dunida magaciisa ku baahay.

Image result for ishaan khattar and shahid kapoor

Ishaan iyo Shahid waa isku hooyo waxaana hooyo u wada ah Neelima Azeem oo 80-kii ahayd atirisho Bollywood-ka ka tirsanaan jirtay.

 Image result for ishaan khattar and shahid kapoor

Ishaan Khattar mustaqbalka dhow waxaa soo caan bixin doono filim sameeye Karan Johar waayo shirkadiisa Dharma Productions ayaa wiilkan heshiis la gaartay.

Ishan Khattar waxaa aabo u ah Rajesh Khattar oo isagana ah jilaa filimada Bollywood-ka wax ka jilo halka Shahid Kapoor aabiihis uu isagana yahay Pankaj Kapur oo ah jilaa isagana filimada Bollywood-ka wax ka jilo.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment