Fadeexadihii Ugu Xumaa Ee Bollywood-ka Ka Dhacay Qaybta 5-aad: Director Madhur Bhandarkar Iyo Markii Lagu Eedeeyay Inuu Kufsaday Preeti Jain

Bulsha:- Kusoo dhawaada qaybta afaraad ee warbixinteena taxanaha ah ee aan kaga hadleenay fadeexooyinkii ugu weynaa ee Bollywood-ka ka dhacay kuwaas oo hadal heyn xoogan abuureen.

Maantana waxaan idiin heynaa marka dawcad saameyn leh lagu soo oogey Director Madhur Bhandarkar oo sameeyay filimo caan ah oo ay ka mid yihiin Fashion, Aan, Chandani iyo kuwo kale.

Director Madhur Bhandarkar waxaa dacwad kusoo oogtay atirishada lagu magacaabo Preeti Jain oo maxkamada la wadaaagtay warbixin ku aadan inuu kufsaday.

Preeti Jain ayaa shaaca ka qaaday in mudo badan gogol dhaaf la sameesay Director Madhur Bhandarkar oo ka balan qaaday inuu atirisho caan ah ka dhigi doono.

Xidigtaan waxay sheegtay in Madhur Bhandarkar balankii uu ka qaaday u sameyn waayay sidoo kalena uu marar kala duwan si xoog ku dhaahan gogol dhaaf ula sameeyay taasi oo sharciga hortiisa loo aqoonsan yahay Kufsi marba qofka si uusan raali ahayn hadii gogol dhaaf loola sameeyo.

Dacwada Preeti Jain kusoo oogtaya Director Madhur Bhandarkar waxay bilabay sanadii 2004 waxayna soo idlaaday mud 9-sano kadib.

Kiiskan mudada dheer socday ayaa kusoo idlaaday in Director Madhur Bhandarkar wax dambi ah lagu waayay sidoo kalena wax magdhow ah lama siinin Preeti Jain.

Preeti Jain waxay sheegtay xaqa uu ka galay Director Madhur Bhandarkar inay ka weyn tahay xaqa maxkamada kasii gashay madaama tacadi weyn loo geestay ay wax kama jiraan kasoo qaaday!

La Soco Fadeexad Kale Oo Qarsoon Ayaan Banaanka Soo Dhigi Doonaa Bollywood-kana Gaar U Ah Maqaalkeena Xiga……..

Hadii aadan aqrisanin maqaalkaan qaybtiisa 1-aad fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin maqaalkaan qaybtiisa 2-aad fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin maqaalkaan qaybtiisa 3-aad fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin maqaalkaan qaybtiisa 4-aad fadlan RIIX HALKAAN






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment