Sridevi Gabadheeda Jhanvi Kapoor Iyo Shahid Kapoor Walaalkiis Ishaan Oo Hal Filim Kusoo Wada Caan Bixi Doonaan

Bulsha:- Waxaa shaaca laga qaaday in Sridevi gabadheeda Jhanvi Kapoor uu soo caan bixin doono filim sameeye Karan Johar haatana mashruucaan waxaa kusoo biiray Shahid Kapoor walaalkiis ka yar Ishaan Khattar.

Jhanvi Kapoor iyo Ishaan Khattar waxay kusoo caan bixin doonaan filimka All Time Blockbuster-ka noqday Sairat oo Martahi ahaa balse haatan asigoo Bollywood ah ayaa la sameyn doonaa waxaana xuquuqdkiisa iska leh Karan Johar.

Waa arin siweyn loo wada sugaayo jiilka cusub ee Bollywood-ka kusoo biiri doonaan Jhanvi Kapoor iyo Ishaan Khattar madaama ay kasoo jeedaan qoys caan ku ah fanka Hindiya.

Waxaa xusid mudan in Jhanvi Kapoor aabaheed Boney Kapoor uu yahay filim soo saare caan ah hadana masuuliyada soo caan bixida gabadhiisa Karan Johar ayuu ku aaminay madaama Karan uu u hagar baxo dhalinta fanka ku cusub.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment