Karan Johar Oo Daaha Ka Qaaday Sababta Ka Dambeysa Guulaha Filimka SRK Ee Dear Zindagi

Bulsha:- Guulo waa weyn ayuu ku tallaabasanayaa filimka Dear Zindagi, shaqsi kasta ayaana isweydiinaya sababta. Filimsameeye Karan Johar ayaase ka jawaabay arrinkaas. Wuxuuna sababta ku tilmaamay inuu filimkaani yahay mid xambaarsan geesnimo isla markaana aad u qurux badan.

Shah Rukh Khan iyo Alia Bhatt ayaa hogaamiyeyaal ka ah filimka Dear Zindagi, halka KJo uu ka mid yahay soosaareyaasha filimkaan, wuxuuna sheegay in filimka director Gauri Shinde ay guushiisa ka dambeyso sheekada uu xambaarsan yahay ee dhalaaleysa.

Johar oo ah madaxa shirkadda Dharma Productions ayaa wuxuu ku qoray bartiisa Twitter: “Jaceyl fara badan ayaa loo muujiyey seddaxdaan quruxda badan Gauri Shinde, Alia iyo SRK. Waa geesiyaal, aad ayey u qurux badan yihiin waana kuwo dhalaalaya. Waxaan idinkaga mahadcelineynaa jaceylka qalbigeenna taabtay ee aad inoo soo bandhigteen”.

Filimkaan ayaa waxaa tiyaatarrada India la saaray 25kii bishaan November waxaana guud ahaan la saaray 1,200 oo tiyaatar oo gudaha India ah. Guulo waa weyn ayuuna ku tallaabsaday wixii intaas ka dambeeyey.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment