Bulsha:- Waxaan dib usoo celinay barnaamijka Weydiin iyo War Celin, waxaana hawada si toos ah ugu jiri doonaa 30-ka daqiiqo ee nagu soo fool leh, qofkii markaas su’aal nasoo weydiiyo waan u jawaab celin doonaa.
Wixii 30-kaas daqiiqo ka dambeeyo aqristihii su’aal nasoo weydiiyo waqti kale ayaan u jawaab celin doonaa sidoo kalena su’aalaha waa inay noqdaan hal su’aal oo aan laheyn faracyo kala duwan.
Maalin walbo oo Arbaco ah ayaan Weydiin iyo War Celin ugu tala galnay oo aad su’aalo nagu weydiin kartaan.
F.G: Page-ka Refresh dhaho ama ka bax ee kusoo laabo si Update uu kuugu noqdo ama jawaabaha aan bixinay aad u aragtid:
Su’aasha 1-aad: GBF “iigawarama doorka akki in 2.0. ma door dhameestiran baa marka la bar bar dhigo doorka rajinikath. imisa lacag iyo wakhti ayeeyna ku qaadaty inuu ku duubo”.
Jawaab: Akshay Kumar filimka 2.0 laadar ayuu ka yahay wuxuuna ku leeyahay door dhameestiran, laakiin 2.0 waa filim Rajinikanth iska leeyahay qof walbo sidaas ayuu og yahay Akshay kaliya laadar ayuu ka yahay waana looga saameyn badan yahay madaama mashruucaan qaybtiisii kowaad Rajini sameeyay.
2.0 waa filimka ugu waqtiga dheer ee Akshay sameeyo wuxuuna waqti ahaan galiyay in ka badan 75-maalmood balse saaxiib lacagaha uu ku qaatay sameynta filimkaan si rasmi ah looma baahin inkastoo xan kala duwan lagu sheegay inuu 100 Crore ku qaatay doorkiisa laadarnimo balse xaqiiqo ma ahan.
Su’aasha 2-aad: abdulrahman csc: waxaan wataaa suaalaha hoos ku qoran
1.waa kee most popular Bollywood actor
2.waa kee actarka ugu badan eee ku guulaysta bilada oscar for best actor
3.saamayn intee le.eg ayuu Leonardo DiCaprio ku leeyahay Hollywood
4.tiger shroff ma la odhan karaa wa actarka ugu badiya jaaska Bollywood ka
thanks filimside
Jawaab: Sxb sare hal su’aal nasoo weydii hana garab marin barnaamijka xeerkiisa…..
Su’aasha 3-aad: Nimco Nayruus Abdi Qani: Atariishoyinka hada jira oo fanka mudo gaaban ku jira hadane aanan waligood atoore shumiska faruuryaha lawadaagin mahadsanidiin
Jawaab: Atirishada kaliya ee aan ogoleyn ama heshiiska filimadeeda ku darsato inaysan atoore shumis la wadaageyn waa Sonakshi Sinha, waana la wada og yahay xidigtaan xeerkeeda kuma jiro inay atoore shumis shaashada kula wadaagto.
Su’aasha 4-aad: Abwaan ismacil: Plz wwe lagdanka akhbaarahoda nosodaya waa codsi
Jawaab: Ok walaal codsigaaga waan tixgalin doonaa waana soo celineynaa aqbaaraadka musaarada ama WWE.
Su’aasha 5-aad: Caadi haboon: srk iyo kajol waligood jcl madhaxmaray?
Jawaab: Maya SRK iyo Kajol waligood xiriir jaceyl ma dhex marin kaliya xiriir shaqo iyo xushmad ayaa ka dhaxeyso waana labo jilaa oo siweyn isku fahansan.
Su’aasha 6-aad: aHmed abdirohman jama: laCagaha Core lakh iyo dollars baL waX iga faHansiYa
thanks filimside.
Jawaab: Marka hore lacagta Hindiya adeegsato waxaa la dhahaa Indian Rupee, marka xigta 100,000 oo Indian Rupees lacagta marka ay gaarto waxaa loo yaqaan 1 Lakh.
Sidoo kalena lacagta marka ay gaarto 10-milyan Indian Rupees ah waxaa loo yaqaan ama dadka Hindiga ula baxeen 1 Crore.
Sida caadiga ah 1 Dollar ee Ameerikaanka ah waxaa lagu sarifaa 66 ilaa 67 lacagta Indian Rupees ah waa sicirka suuqa caalamka sida uu haatan maraayo.
Su’aasha 7-aad: bade: Sxb filimkii I waa darajadee I sheeg?
Jawaab: Filimka I ee Super Star Vikram sameeyay waa Hit weyn weliba waa filimka ugu weyn ee Vikram sameeyay asigoo 239 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sanadii 2015.
Su’aasha 8-aad: Abdirahman Yesboss: Asc
Zxptl filimside waxan idin ka codsana inaad warbixin nooga diyaarisan xiriirkii jacayl ee Arjun kapoor iyo Arpita khan sallu walashiz
Jawaab: Wcs walaal codsigaaga waan tixgalin doonaa sidoo kalena wixii laga qoray xiriirkii fashilmay eee Arjun Kapoor iyo Arpita Khan dhex maray waan soo gudbin doonaa insha Allah.
Su’aasha 9-aad: m.guursade: wxan ku wydin wllky atrarishada TAMMANAH BHTIA ee jisha filmanta kollywoodka imisa filim oo BOLLYWOOD ah ayey ka soo muuqatay….?
Jawaab: Sxb Tamannah Bhatia ayadoo 15-sano jirto ayay filimkeedii ugu horeeyay asigoo Bollywood ah kasoo muuqatay waana Chand Sa Roshan Chehra oo sanadii 2005.
Kadib filimada Hindiga ah ama Bollywood-ka oo ay sameesay waxaa ka mid ah Himmatwala (2013), Entertainment (2014) iyo Tutak Tutak Tutiya (2016).
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment