Bulsha:- Super Star Hrithik Roshan ayaa ku mashquulsan dhameestirka Filimka Kaabil labo maalin gudaheed hadaba maxaa u Harsan kooxda filimka Kaabil.
Hrithik Roshan iyo Yami Gautam ayaa ku mashquulsan duubista heesta ugu danbaysay ee filimka sido kale heestaan waxaa kula wehliso quruxley Urvashi rautela.
Director Sanjay Gupta ayaa twwiter-kiisa warbaxintaan kusoo daabacay wuxuuna soo raaciyay ma ”rumaysan Kartiin Safarkaan quruxda badan uu ku dhamaan rabo seddax maalin gudaheed”.
Heestaan ayaa ah hees dib loo samayn doono waxaana hori u qaaday Amitabh Bachchan heestaan ayaana lagu Magacaaba ‘Saara Zamana‘ waxayna ku jirtaa filinka Yaarana.
Yami ayaa qoob ka ciyaar ula wadaagi doonta Hrithik Roshan sido kale heestaan waxaa kasoo muuqan doonto Urvashi Rautela.
Filimka Kaabil ayaa la daawan doona 26th January 2017 waxayna isku dhici doonan filimka Srk hogaamiyaha ka Yahay ee Raees.
Hrithik Roshan filimkiisa ugu danbeeyay wuxuu ahaa Mohenjo Daro wuxuuna Boxoffice-ka ka noqday Flop waxaana Xiiso leh isku dhaca filimaanta Raees iyo Kaabil Filimke ayaana Boxoffice-ka ku guulaysan doona.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment