Bulsha:- FRIENDS Show wuxuu caan ka ahaa America muddo 10 sanno ah, waxaa la bilaabay sannadkii 1994 ka hor inta aan lasoo afjarin sannadkii 2004tii. Si kastaba ha ahaatee, Bollywood ayaa doonaya inay dib u sameeyaan showgaas weliba kama bedlei doonaan magacii uu caanka ku ahaa.
Su’aalaha ugu badan ee la doonayo in xalka loo helo ayaa noqon doona shaqsiyaadka caanka ka ah Bollywood ee kasoo muuqan doona showgaan, waxaana xusid mudan in loo baahan yahay seddax wiil iyo seddax hablood oo dhallinyaro ah si loo soo minguuriyo FRIENDS Show.
Alia Bhatt ayaa la filayaa inay ka qeyb noqoto showgaan isla markaana waxay xitaa noqon kartaa daadihiyaha showgaan, su’aashaan ayaa dhowaan la hordhigay. Waxayna daaha ka qaaday inay dooneyso inay kooxdaan isugu keento F.R.I.E.N.D.S Show.
Waxay dooneysaa inay iyadu qaadato doorkii Rachel, halka Ranbir Kapoor uu qaadan doono doorka Ross. Ka dibna waxay isha ku heysaa inay Deepika Padukone kaga soo muuqato showgaan doorkii Monica, sidoo kale Kangana Ranaut ayey u dhiibi rabtaa doorka Phoebe.
Arjun Kapoor ayaa waxaa loo dhaafi doonaa doorkii Chandler ka dibna Salman Khan ayaa loo dhiibi doonaa doorkii Joey. Sidaas ayeyna 23 sanno jirtaani ku dhammeystirtay FRIENDS Show oo la doonayo in la sameeyo isagoo Hindi ah isla markaana Isbuuc kasta la daawado.
Su’aashu waxay tahay Alia ma awooddaa inay hal miis isugu keento shaqsiyaadkaas ay magac dhawday? Nasiib wacan ayaan u rajeyneynaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment