Sawirro: Filim lagu maamuusay sanad-guuradii geeridii wariye Cawke oo lagu Qabtay Nairobi

Bulsha:- Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeridii Allaha u raxmadee, Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaalida, ayaa Waxaa Filim lagu Xusayay lagu qabtay xalay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Filimka lagu xusayay Geeridii Wariye Cawke ayaa wxaa lagu qabtay tiyaatarka Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaana filimkaan lagu magacaabaaa Qab iyo Iil, kaasoo uu jilaaga koowaad ka ahaa Wariye Axmed Xasan Cawke, uuna wax ka metelayay Wariye C/salaam Ibraahim Hareri oo ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Marxuum Cawke.

Munaasabaddan Xuska ahay, ayaa Waxaa ka Qayb-galay; Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Nairobi, Jamaal Mxamed Xasan, Xildhibaan Ducaale iyo Yuusuf Xasan oo kawada Tirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxii hore ee Laanta Soomaaliga ee BBC-da, Maxamed C/llaahi, suxufiyiin iyo marti-shara kale oo gabi ahaan qiray kaalintii weynayd ee uu Wariye Cawke ku lahaa Warbaahinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, ALLAHA u Raxmadee, Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa 17-kii bishii November ee sannadkii hore 2015-kii, wuxuu ku geeriyooday degmada Jigjiga ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isagoo u geeriyooday xanuun neef-mareenka ka haleelay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment