Sawiro: Dhaqtar Galmo Xoog Ah Kula Kacay Bukaankiisa

Bulsha:- Waxaa ay aheyd sida ruwaayad waxa uu sameynayay dhaqtarkaan kaas oo la arkay isagoo xoog ugu galmoonaya qaar ka mid ah bukaankiisa oo uu ku duray cirbado sarqaamiya.

Nin ka mid ah kuwa nadiifiya isbitaalkan oo ku yaala magalada Eldoret ee wadanka Kenya ayaa arkay dhaqtarka oo isticmaalaya labo ka mid ah dumarka bukaankanka ah waliba iyagoo diidan.

Waxaa uu shegay in dhaqtarku uu naxay markii u arkay falkaan uu ku jiray iyo isagoo soo dul istaagay kadibna sawiraya waxaana uu sheegay inuu wacay qeybta arimaha deg deg ah ee bukaanada.

Booliska ayaa durba la war galiyay kuwaas oo soo gaaray isbitalka waxaana ay halkaas ka wadeen dhaqtarkii ka xishoon waayay bukaankiisa Dr Jorobe.

Afayeen isbitaalka u hadlay waxaa uu sheegay iney aheyd markii ugu horeyay oo ay arkaan qof dhaqtar ah oo galmo la damcaya bukaan xanuunan oo isbitaalkooda jiifa.

Waxaa uu sheegay iney baarayaan waxa dhaqtarkaan ku qasbay inuu xoogo labo ka mid ah haweenka bukaanka ah ee jiifay isbitaalka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment