Haka Cabsanin Jadwalka Galmada Hadii Kale Waxaad Lumin Doontaa Dumar Badan (Daraasad)

Bulsha:-Haa dhamaanteen waxaan ognahay in waqtiyo badan la isku galmoodo laakiin culees badan ayaa dadka qaar ka heysta kulamada xiriirka ah ee halka waqti la sameeyo.

Dumarka waa kuwa ugu geesisan xaga jadwalka galmada sida lagu ogaday codeyn ay sameysay shirkadda A Netmums.

10-kii dumar ahba hal ka mid ah aya hesha nin geesi ku ag sariirta taas oo xaga boqoleyda marka laga fiiriyo u dhiganta in 10% ay ragu ku dhiraadan kulamo badan oo galmo ah halka 90% ay dhibaato ku qabaan jadwalka galmada.

Shirkadda A Netmums waxaa ay sheegtay in xog baaristeeda ay ku ogaatay in dumarku ay durba xiriirka u jaraan raga ka walaacsan inta kulan ee ay gabadhu ku qanci karto.

Qaar raga ka mid ah ayaa la sheegay iney dumarka su’aalan ugu yaran meeqo ayaad ku qanci kartaa kuwaas oo la aaminsan yahay iney yihiin kuwa aan jacleyn ama aan xamili Karin galmo badan.

Waxaa ay ilowsan yihiin ayey leedahay warbixintaan in dumarku aaney u sheegi doonin kulamo badan laakiin ay rabaan kulamo badan.

Haweenka ayaa dib u gurasho badan sameeya markii ay ogaadan in ninku uu cabsi ka qabo inta mar ee uu kusoo laaban karo galmada.

Shirkadda UK laga lee yahay P.S Sex ayaa iyaduna dhowaan raga uga digtay iney ka walaacaan jadwalka galmada waxaana ay ku talisay iney dhowr qaab u maareeyaan kulamada si culeesku uga yarado xaasaskuna uga tagin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment