50% Waalidiinta Oo Dib Ugu Shalaaya Magacyada Ay Caruurtooda U Bixiyaan

Bulsha:- Daraasad mudo qaadatay oo ay sameeyeen qubaro ayna caawimad ka geysatay shirkadda Apple ayaa lagu soo bandhigay in waalidiintu ay dib ugu shalayaan magacyada caruurtooda marka ay weeynadaan.

Warbixintan waxaa ay sheegtay in badi lagu deg dego nuuca magaca cunuga iyo waxa uu micno ahaan u taagan yahay, qubaradu waxa ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in lamaanuhu aaney ka wada tashan inta badan nuuca magaca.


Qaar magacyada ka mid ah ayaa loo fasiraa, nasiib daro, geeri,mugdi ,hormar xumo iyo waxyabo kale sidaa awgeed walidiinta galbeedka ku nool ayaa %50 waxa ay aad uga shalayaan nuuca magacyada ee ay caruurtooda u dooqaan.

Dr Jobie Lefie oo ka mid ahaa qubaradii sahanka waday waxaa uu sheegay in ay caruur badan ku adkaatay iney ku raaxeystaan magacyadi loo bixiyay.

Waxaa uu ku baaqay Dr Jobie Lefie oo reer Holland ah in la hor mariyo shirkaddaha dadka ka caawiyaha helistsa magacyada iyo in waqti lagu bixiyo in magacyada la fasiro si uu qofku u ogado waxa uu magiciisu u taagan yahay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment