Sababta Uu Sigaar Cabista U Joojiyey Aamir Khan Oo La Ogaaday, Mise Garan Kartaa Shaqsiga Ka Dambeeya?

Bulsha:- In la joojiyo cabista sigaarka ma ahan wax sahlan. Tusaale ahaan Aamir Khan oo ka mid ah xiddigaha caanka ah ee shirkadda Bollywood kuwaasoo si joogto ah u caba sigaarka.

Mr. Perfectionist ayaa wuxuu caado u leeyahay inuu wareer badan wajahayo marka uu duubayo aflaanta iyo ka hor inta uusan soo bixin filimkiisu. Si kastaba ha ahaatee, 51 sanno jirkaan Aamir Khan ayaa lagu soo waramayaa in uusan wax sigaar ah cabin intii lagu jiray duubista filimkiisa Dangal illaa iyo haatan.

Ka hor inta aan tiyaatarrada la saarin filim kasta oo uu leeyahay, Aamir wuxuu caado u lahaa inuu wajaho isku dhexyaac badan wuxuuna bilaabi jiray inuu si joogto ah u cabo sigaarka. Tusaale ahaan taasi waxay dhacday intii lagu jiray aflaantiisii PK, Dhoom 3 iyo Talaash.

Haatan waxaa la joogaa xilligii uu wareerka badan wajihi jiray Aamir, laakiin ma cabayo wax sigaar ah. Majaladda The Times Of India ayaana waxay daaha ka qaaday sababta ka dambeysa inuu Mr. Perfectionist joojiyey cabista sigaarka.

Sababtaas waxaa lagu sheegay in wiilka uu dhalay Aamir ee lagu magacaabo Azad uusan jacleyn inuu arko aabihiis oo sigaar cabaya. 51 sanno jirkaan ayaana wuxuu go’aansaday in uusan cabin sigaarka, kuna darso Azad uma ogola aabihiis inuu ku cabo sigaarka meel uu isagu joogo.

Dangal filim special ah ayuu u yahay Aamir, sababtoo ah filimkaan boqolkiiba 100 intii karaankiisa ah ayuu juhdi ku bixiyey, xitaa wuxuu isbedel ku sameeyey muuqaalka jirkiisa maadaama uu qaadanayey doorka legdanyahankii hore Mahavir Singh Phogat.
Filimkaan ayaa waxaa director ka ah Nitesh Tiwari, waxaana uu salka ku hayaa sheeko ku saabsan nolosha legdanyahanki hore ee reer India Mahavir, kaasoo hablihiisa tababar u siinaya si ay u noqdaan legdanyahanno. Waxaana filimkaan la daawan doonaa 23ka bisha December ee sannadkaan 2016ka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment