Filimka Dear Zindagi Iyo Sedexda Maalmood Ee Ugu Horeyso Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Bulsha:- SRK iyo Alia Bhatt filimkooda cusub Dear Zindagi ganacsi aad u wacan ayuu gudaha Hindiya ka sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay sida la xaqiijiyay.

Sida rasmiga ah Dear Zindagi sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso (First Weekend) wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 32.50 Crore (Trade/Producer) waana lacagaha ay shaaca ka wada qaadeen kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa filimkaan iska leh.

Filimka Dear Zindagi wuxuu ganacsi aad u wacan ka sameeyay Mumbai, Nizam / Andhra, Mysore, Tamil Nadu / Kerala iyo West Bengal gaar ahaan tiyaatarada waa weyn (Multiplex) ee dadka dabaqada sare usoo daawasho tagaan ayuu filimkana siweyn kaga gadmay.

Filimkaan maalinta kowaad ganacsiga uu sameeyay ayaa laga gartay inuu guul weyn gaari doono balse wax walbo SRK aya sabab u ah madaama filimkaan isaga wajigiisa lagu gaday inkastoo Alia Bhatt hogaamiye kowaad ka tahay.

Fadlan hoos kaga bogo sedexda maalmood ee ugu horeesay Dear Zindagi lacagaha uu soo xareeyay:

Jimco – 8.75 Crore

Sabti – 11.25 Crore

Axad – 12.50 Crore

Wadarta Guud – 32.50 Crore (Trade/Producer Figure)
Filimka Dear Zindagi waxaa la wada sugi doonaa maanta oo Isniin ah ganacsiga uu sameyn karo hadii uusan maanta hoos u dhac weyn sameynin waa hubaal tiyaatarada labada todobaad ee nagu soo fool leh baaqi ayuu kusii ahaan doonaa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment